Muddo ayuu geed ku tigtignaa una heellanaa in mar uun laga sii daayo. Shaydaan baa u yimid xadhigiina ka furay. Dameerkii isla markiiba waxa uu galay beer jaarku lahaa, wixii uu cuni karayayna wuu cunay, cagaar iyo caddaan ba.
Gabadhii reerka ayaa aragtay inta ay qori cabbaysan la soo boodday ayay dishay dameerkii. Ninkii dameerka lahaa ayaa maqlay codkii rasaasta. Markii uu arkay dameerkiisii oo bakhti ah isna gabadhii ayuu ka dhammeeyay - wuu dilay. Ninkii beerta lahaa ayaa yimid waxa uu arkay xaaskiisii oo mayd ah. Qorigiisii ayuu qaatay isna waxa uu soo dilay ninkii dameerka lahaa.
Shaydaankii ayaa la weydiiyay, "maxaad samaysay?" Waxa uu yidhi, "wax ba, keliya xadhigii ayaan ka sii daayay dameerkii." Kullu fitna cinda damiin, ayay qolo carbeed odhan jirtay.