Sunday, July 6, 2025

Ammaanta mid baa lagu dagmaa

Wakhtiyadan danbe ee casriga ah waxa soo biiray dabeecado iyo dhaqammo aan hore u jiri jirin, oo badi dhanka qurbaha laga soo waariday iyo kuwo dalka gudihiisa lagu unkay. Dabeecadahaas kala duduwan waxa ka mid ah ammaanta aan xadka lahayn ee la isku miiso "‪‎Madaxweyne‬, Xildhibaan, Guddoomiye, Caaqil, Abwaan, Hal Abuur, Xaaji ... hayaay". Waxaas inyar uun baa ka dhab ah.


Iskaga kaalay, tukuhu waa noole cod xun oo dadka badankoodu necebyahay, ayna dhibsadaan haddiiba ay maqlaan, weliba isaga qudhiisu arrintaa cod-xumida wuu ka war hayaa. Maalin baa isagii waa 'tukihiiye' oo ladnaan door ahi ka muuqataa geed dheer gurada uga la baxay waslad hilib ah. Dushaa sare ayuu ku raqayay, baahanaa diifaysan. Waxa geedkii soo hoos maray bahal dacaw ah oo gaajo tallaabsan kari la', miciyuhu isweydaarteen, dubka iyo diirkuna is haysto. Kor buu jalleecay, mise hilib iyo tuke wehel ah ayaa ka sarreeya.

Dacawgii waxa uu bilaabay bal sidii uu wasladaas ku heli lahaa. Khiyaanadana waa kii ku baasaa. Intuu kor eegay buu yidhi "Aaryaa tuke codkaaga hallaasiga ah maanta maad iigu heesi?" Tukihii wuu farxay, waligiiba wax codkiisa ka hela muu arage, wuu ku dhuftay mise markii uu afka sidaa u kala furayba wasladdii dhulkayba u dhacday, afkii dacawgana way ku jirtaa. Dacawgii ayaa si xarrago leh u dalliigay.

Qalinkii: Dalxa Sofe
Email: dalxasofe@gmail.com
Hargeysa, Somaliland.