Waxa jiray barnaamij ka baxa mid kamid ah TV-yada Carabta oo loogu talagalay caawinta dadka nugul.
Maalintaas waxaa marti ku ahaa nin aad u sabool ah oo u baahnaa qalliin degdeg ah, balse aan haysan lacagtii lagu daweyn lahaa. Dadka ayaa loo furay tabarucaad si loo caawiyo.
Intii barnaamijku socday ayuu soo wacay wiil dhalinyaro ah, wuxuuna yidhi:
“Waxaan haystaa keliya 4 dollar, laakiin 2 dollar ayaan ku sadaqeysanayaa. Wax kale oo aan haysto ma jiro.”
Hadalkaas wuxuu si weyn u taabtay qalbiyada dadka daawanayay.
Wax yar kadib waxaa soo wacay nin kale oo yidhi:
“Anigu waxaan bixinayaa 4,000 dollar. 2,000 waxaan ugu deeqayaa ninka xanuunsan, 2,000-na wiilka dhalinyarada ah ee 2-da dollar sadaqaystay.”
Markii xigtay qof kale ayaa isna lacag ku daray, kuwo kalena way ku soo xidhmeen, ilaa ugu dambeyn ninkii qalliinka u baahnaa loo helay lacagtii ku filnayd, wiilkii dhalinyarada ahaana isagana la taageeray.
Maalintii xigtay ayaa wiilkii lagu casuumay barnaamijka si loo wareysto. Markii la weydiiyey xaaladdiisa ayuu yidhi:
“Waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo haysta Master Degree, shaqona muddo ayaan raadinayay balse waan waayey. Maalintaas waxaan haystay keliya 4 dollar, sidaas ayaan 2 dollar ugu yaboohay walaalkayga dhibaataysan.”
Sheekadiisa kadib, shirkado badan ayaa bilaabay inay TV-ga lasoo xidhiidhaan si shaqo loogu helo wiilkaas dhalinyarada ah.
Sadaqadu waa wax weyn. Mararka qaar sadaqo yar ayaa beddeli karta nolol dhan.
Noloshii wiilkaas hal maalin gudaheed ayay is beddeshay, sababtuna waxay ahayd 2 dollar oo uu si qalbi wanaag ah ku bixiyey.
