Saturday, July 5, 2025

Qisadii cajiibka ahayd ee WIllian

Willian, wuxuu yaraantiisii jeclaa barashada cilmiga, wuxuu ku noolaa dalkiisa faqiirka ah ee 'Malawi', 14 jirkiisii ayuu ka tagay waxbarashada duruufo dhaqaale dartiis oo waalidkiis waxa ay awoodi waayeen in ay bixiyaan kharashaadkiisa, wuxuu noqday mid ka shaqeeya baahiyaha nololeed ee qoyskiisa.

Maalin kasta marka uu ka soo rawaxo shaqada waxa uu toos u tagi jiray maktabadda ugu weyn magaalada oo u dhawayd tuuladooda, halkaas buu ku akhriyi jiray buugaagta Chemistryga iyo Physicska, waxaanu bartay sida hawada looga dhaliyo dabka.

Wuxuu bilaabay in uu soo ururiyo walxo uu isku keenkeenay, waxaana markii ugu horreysay taariikhda tuuladiisa suuregal noqotay in uu sameeyo marawaxad hawada ku shaqaysa oo dab laga dhaliyay, dadkii tuuladuna ay barteen wuxuu dabku yahay inankaa yar dartiis, sidaasaanu caan ku noqday.

Hadda waxa uu muxaadaro ka bixiyaa barnaamijka caanka ah ee 'TED', wuxuu tacliin deeq ah oo dhammaystiran ka helay jaamicadda Dartmouth ee maraykanka, halkaas ayuuna ka qalinjabiyay sannadkii hore.

Geesi walba waxa uu leeyahay bilaw nololeed oo adag iyo duruufo ka dhigay nin rag ah.