Wednesday, September 4, 2024

Talo waayeel

Waayeel buuniya ayaa wiilkiisii siiyay saddex waano oo caqiibo leh, oo mid walba ay ku duugantahay xikmad iyo waaya'aragnimo salballaadhani. Waa kan odaygii waayeelka ahaa oo kala dhigdhigaya saddexdii waano, waxa uu yidhi saddex yaanay ka faaruqin noloshaada: 

1. In aad cunto cuntada ugu fiican. 2. In aad ku seexato gogosha ugu fiican. 3. Iyo in aad degto hoyga ugu sarreeya. Wiilkii waxa uu yidhi: "waxa aynu nahay dad aan waxba haysan, sidee baan sidaa u samayn karaa?"

Odaygii ayaa yidhi: "haddii aad wax cunto marka aad gaajooto oo keli ah cuntadaadu waxa ay noqon doontaa ta ugu fiican; haddii aad shaqaysato in badan oo aad seexato adiga oo daallan, gogoshaadu waxa ay noqon doontaa ta ugu fiican; haddii aad dadkana wanaag kula dhaqanto, waxa aad degi doontaa qalbiyadooda, taasina waxa ay kaa dhigi mid degay hoy kiisa ugu sarreeya - oo qalbiyada ah." 

1 comment: