"Nooga warran dalkaagan, tirada ciidankiinna iyo sida aan u awoodno in aan gudaha ugu galno?" Wuxuu yidhi odaygii "Waan idiin warrami doonaa, laakiin waa in aad dishaan wiilkaas yar marka hore ... si arrinka aan idiinku sheego aanu markhaati uga noqon. Way dileen kii yaraa. Dhulka ayuu qulqulay dhiiggiisii. Mar kale ayuu odaygii yidhi "Ma garanaysaan kan aad disheen?" Adiga ayaa nooga aqoon roon, ayay yidhaahdeen. Odaygii ayaa yidhi: "Kani waa inankaygii, waxaan ka baqay in aad hortiisa igu dishaan, ka dibna aad ka heshaan wax kasta oo aad rabtaan, waxa aanan doorbiday in aad dishaan inta aanu ku dhawaaqin hal erey oo idinka caawiya in aad dalkayga ku duushaan." Fajaciso! Halkaa marka uu hadalkii marinayo ayaa ciidankii dib u noqdeen oo iska tageen iyaga oo yaabban. Dhulkoodii ayay ku noqdeen, sheekadiina boqorkii ayaa ay uga warrameen. Waxa ay yidhaahdeen "Magaalada ay darteed aabbayaashoodu u gowracaan wiilashooda, ma awoodno in aan dagaal la galno, guulna kalamaanaan nimaadneen weligayo!!!"
Mid ka mid ah sheekooyinka sida weyn u muujiya qiimaha waddaniyadda iyo wadan-jacaylku leeyahay, iyo cabbirka laga qaadan karo illaa iyo heerka ay dadkeennu ka joogaan waddaniyaddaas.
W/Q: Dalxa Sofe
Mid ka mid ah sheekooyinka sida weyn u muujiya qiimaha waddaniyadda iyo wadan-jacaylku leeyahay, iyo cabbirka laga qaadan karo illaa iyo heerka ay dadkeennu ka joogaan waddaniyaddaas.
W/Q: Dalxa Sofe