Wednesday, September 4, 2024

Madaxda xumaata iyo shucuubta maxaa kala haysta?

Mid ka mid ah madaxda ku caanbaxday dulmiga ayaa galay safar cirka ah. Waxa uu eegay daaqadda, markaas ayuu yidhi, "Haddii aan $100 hoosta ku tuuro yaa helaya?" Mid ka mid ah rakaabkii ayaa ugu jawaabay, "Waxa helaya qof shacab ah waanu ku farxi doonaa."

Mar kale ayuu yidhi, "Haddii aan $1000 tuurana yaa helaya?" Haddana qof labaad ayaa u jawaabay oo yidhi, "Dee waxa helaya koox shacab ah iyaguna way ku farxi doonaan." Inta aanu madaxweynihii hadal kale odhan ayuu qof saddexaad hadlay, waxa uu isna yidhi, "Adigu haddii aad naftaada daaqadda ka tuurto, shacabku dhammaantood way ku farxi lahaayeen!" Madaxda caddiban iyo shucuubta maxaa hawl kala haysta.