Monday, September 16, 2024

Maxaa is beddelay?

Waa indhoole. Waxa uu soo fadhiistay mid ka mid ah wajahadda dhisme dheer. Waxa hortiisa yaalla boodh ay ku qorantahay "waxa aan ahay indhoole ee fadlan i caawiya". Nin Saxafi ah ayaa meeshii soo maray, waxa uu eegay daasaddiisii yarayd.

Wax badani kuma jiraan, isna waxoogay ayuu ku tuuray. Intii aanu dhaqaaqin ka hor ayuu boodhkii soo qaaday. Wixii ku qornaa ayuu masaxay, weedh kalena wuu ku qoray. Halkiisii ayuu ku celiyay boodhkii wuuna iska tagay. Indhooluhu arrinkaa war uma hayo. Indhoolihii wuxuu dareemay in daasaddiisii yarayd ay buux dhaafisay lacagi, wuu yaabay! Wuxuu se yaqiinsaday in wax isbeddeleen. Nin waddada marayay ayuu la hadlay "boodhkan maxaa ku qoran?" Ayuu yidhi.

Ninkii wuu u akhriyay, qoraalkiina waxa uu noqday "waxa aynu ku jirnaa xilli gu' ah, laakiin ma awoodo in aan arko quruxdiisa."

"Qaababkeenna nololeed waynu beddeli karnaa, haddii aynaan ku qanacsanayn siday u socdaan" baytul-qasiiska sheekadu sidaas buu iila eekaaday.