Labaduba si fiican ayaa ay u yaqaanneen afka carabiga akhris iyo qoraal ahaanba. Jorge ayaa meel dheer ka arkay masaajid, intuu farxay ayuu yidhi "Michealaw haddaynu nasanaynaa, laakiin uma malaynayo in muslimiintaasi ay ina waraabin doonaan haddii ay ogaadaan in aynu nahay masiixiyiin, sidaa darteed hadda laga bilaabo magacaygu waa 'Maxamed' adiguna magac dooro?" Wuxuu yidhi Micheal "Maya, anigu magacayga beddeli maayo wax kastaa ha dhacaane, waxa aan ogahay in ay muslimiintu sharfaan martida iyo socotada, mana filayo in ay wax uun innagala bakhayli doonaan." Jorge ayaa mar kale hadalkii qaatay "haye" ayuu yidhi. Markii ay gaadheen masaajidkii, waxa ay ugu galeen sheekh arday u dhigaya Qur'aan. Jorge ayaa yidhi "Magacaygu waa Maxamed, kanna waa saaxiibkay Micheal, saxaraha ayaanu ku soo dhibtoonnay, oon baanu bas la nahaye biyo na waraabiya." Sheekhii ayaa yidhi: Soo fadhiista, adigu Michealaw cunno iyo cabbitaanba waad naga heli, waanaanu ku sharfi, Maxamed miyaa, walaalkayaw sidaad iska ogtahayba maanta waa bilawgii bishii barakaysnayd ee Ramadaan, lamana gaadhin wakhtigii afurka oo laba saacadood baa ka hadhay waad nala afuri, Qur'aan intii aad taqaanidna waad nala akhriyi."