Waa ardaygii ugu horreeyey ee Afrikan ah oo ay aqbasho inuu wax ka barto Jaamacadda Oklahoma ee dalka Mareykanka Sannadkii 1948-kii waxaana la fadhiisiyey meel gees ah si aanu ugu dhawaan ardayda caddaanka ah.
Laakiin George wuxuu dadaal badan kadib ka mid noqday saddexda arday ee waxbarashada ugu wanaagsan uguna sharafta badan Jaamacadda.
George wuxuu yidhi:
"Waxay ii eegi jireen sida inaan ahay xayawaan, ilama hadli jirin, macallimiinta waxay iila dhaqmi jireen sida inaanan ka mid ahayn ardayda su'aalaha aan weydiiyana iigama jawaabi jirin.
Aad baan u dadaalay mana niyad jabin illaa markii dambe ardaydii caddaanka ahaa ay i soo raadiyaan si aan casharrada ugu sharraxo su'aalahana uga jawaabo.
Ugu dambeyn George McLaurin waxuu yidhi: "adiga ayey tahay inaad kala xulato in liiditaankooda aad ku niyad jabto ama aad iyaga saameyso si ay isku dhiibaan".
Dulucdu waxa weeyaan marka qofku uu la kulmo wax niyad jebiya in aanu is dhiibin dadaalkiisana sii laba jibaaro si uu u gaadho hadafkiisa.
