Monday, May 25, 2026

Dhacdo La Yaab Leh!

Waxaan tagay dukaan u dhow gurigayga si aan raashin uga soo iibsado, anigoo xidhan dharkayga guriga iyo xijaab. Markaan soo qaatay wixii aan u baahnaa, ayaan u gudbay miiska lacagta lagu bixiyo
Intii uu ninkii dukaanka lahaa xisaabinayay biilka, agabkana ii xidh-xidhayay ayuu i soo eegay ina weydiiyay su'aasha aan mar kasta halkan Kuwayt kala kulmo:

“Waddankee ayaad ka timid?”

Muuqaalkayga iyo midabkayga marka la eego, dadku isla markaaba way garan karaan inaan Afrikaan ahay, laakiin had iyo jeer waxay rabaan inay ogaadaan dalka dhabta ah ee aan ka imid.

Anigoon ka labalabayn ayaan ugu jawaabay inaan ka imid Nigeria.

Markaas ayay timid su'aashii xigtay misana aan la qabsaday oo ahayd:

“Maxaad ka shaqaysaa?”

kuma dhibsan su'aashan sababtoo ah waa mid kale oo aan inta badan maqlo. Meelo badan, marka dadku ogaadaan dalkaaga, waxa xiga ee ay rabaan inay ogaadaan waa waxa aad Kuwayt u timid.

Waan dhoola-caddeeyay, waxaanan ugu jawaabay inaan ahay Kalkaaliye caafimaad (Nurse).

Markale ayuu igu soo eegay, wuxuuna igu yidhi, “Maya, waxaad tahay Khaddaamad.”

'Khaddaamad' - waa shaqaalaha guryaha ka shaqeeya. Aad ayaan u ixtiraamaa dumarkaas sababtoo ah waa dadka ugu shaqada badan ee aan abid arkay, kuwaas oo u halgamaya inay helaan nolol xalaal ah.

Laakiin, waxaan is weydiiyay waxa ku kallifay ninkan inuu u maleeyo inaan ka been sheegayo shaqadayda kalkaalisonimo.

Raashinkaygii ayaan qaatay, gurigana waan aaday.

Maalintii xigtay, ka hor intaanan u bixin shaqada, ayaan isla dukaankii soo maray. Markan waxaan xidhnaa dareeskaygii shaqada (uniform), kaadhkayga aqoonsiguna (ID) si cad ayuu u muuqday. Caadiyan markaan shaqada ka maqanahay, aqoonsiga dhinaca kale ayaan u rogaa si aanan macluumaadkayga u muujin, laakiin markan waxaan hubiyay in magacayga, sawirkayga, iyo xirfaddayduba ay si muuqata u muuqdaan.

Isla markii aan gudaha u galayba, indhaha ayaan isku dhufannay, sidii aan filayayna indhihiisu waxay si toos ah ugu dhaceen kaadhkaygii aqoonsiga.

Xilligaas, waxaan is dareemay sidii geesiyad filim jishay (waa qosol).

Waan dhoola-caddeeyay, tallaagadii ayaan aaday, waxaan soo qaatay cabitaan qabow, ka dibna miiska lacagta ayaan tagay.

Markii aan lacagta bixinayay, ayuu i weydiiyay, “Miyaad shaqada u socotaa?”

Waxaan ugu jawaabay: Haa.

Waa wax lala yaabo, mararka qaarkoodna niyad-jab ah, sida dadka qaar—xataa kuwa aan u dhalan Kuwayt laftoodu—ay ugu adag tahay inay rumeeyaan in Afrikaanku ay qaban karaan shaqooyin xirfadnimo oo aad loo ixtiraamo.

Waligay isuma arkin qof si aan caadi ahayn u guulaystay, laakiin waxaan aaminsanahay inay tahay mas'uuliyad na saaran inaan dunida tuso in Afrikaanku ay awood u leeyihiin inay heer sare ka gaashaan xirfad kasta, meel kasta oo caalamka ka mid ah.

Waxaan u socdaali karnaa dunida dacalladeeda si aan u raadsanno fursado ka wanaagsan kuwa hadda jira, laakiin Nigeria had iyo jeer waxay ahaan doontaa gurigayga.