Wednesday, September 4, 2024

Qormo kooban

Boqor ka mid ah boqorradii Hindiya ayaa ka dalbaday wasiirkiisii in uu keeno hal weedh oo haddii uu akhriyi lahaa isaga oo murugaysan uu farxi lahaa, haddii uu faraxsanyahayna uu murugoon lahaa.

Wasiirkii waxa uu qoray weedhan "wakhtigani wuu tagayaa" - wakhtigan kii uu u wacanyahay wuu ka naxayaa in uu ka tago, kii uu cidhib ku hayaana wuu ku farxayaa. 

Qoraagii caanka ahaa ee Bernard Shaw ayuu ku yidhi qoraa kale, "waan kaa wanaagsanahay adiga, waxa aad wax u qortaa adiga oo raadinaya xoolo, aniguna waxa aan wax u qoraa aniga oo raadinaya sharaf." Bernard Shaw si deggen ayuun buu u yidhi, "run baad sheegtay! Mid kasta oo innaga mid ahi waxa uu raadiyaa waxa ka maqan!" Waxba ba u lamuu hadhin, Illaahay ballankii.