1. Mar kasta oo uu kobco heerka garaadku waa mar kasta oo ay yaraato awoodda lagu sheegi karo beenta, mar kasta oo uu hoos u dhacana waa mar kasta oo la awoodo in la sheego been.
2. Haddii aad qof nacdo way adkaataa in aad ku qososho hadalladiisa xataa haddii uu ka sheekaynayo sheeko wada maad ah.
3. Dadka wax ku qora gacantooda bidix waxa ay kaga horreeyaan dadka kale cilmiga xisaabta iyo sayniska, sidoo kale waxa ay ku horreeyaan qiyaasaha iyo cabbirka walxaha si khayaal ah.
4. Haddii aad gabadha milyuun jeer u sheegto in ayna buurnayn kuma aaminayso, laakiin haddii aad hal mar oo keliya u sheegto in ay buurantahay weligeed ma illaawayso.
5. Labadii ugu caansanaa dadkii jilayay xayaysiisyada sigaarkii Marlaboro ee shirkaddii King 1, waxa ay u dhinteen kansar.
6. Adolf Hitler iyo Jozef Stalin waxa ay sabab u ahaayeen dhimashada in ka badan 40 milyan oo qof, sidaas oo tahay haddana waxa loo sharraxay in ay helaan Abaalmarinta Nabadda ee loo yaqaan Nople.
7. Hindiya, haddii uu qofku dilo "sac" waxa jeelka la dhigayaa 10 sannadood oo aan ka soo noqosho lahayn.
8. Japan, haddii aad keli tahay oo aad dareento in ay ku dhibayso kelinimadaasi waxa suuregal ah in aad soo kiraysato qof kale oo wakhtigaaga kula fadhiista.
9. Mid ka mid ah cilmi-baadhisyo la sameeyay ayaa sheegaysa haddii uu qofku 4 saacadood oo baadhis ah ku qaato google waxa ay ka wanaagsan tahay in uu ku qaato muddo bil ah dugsiga.
Xigasho: Majaladda Baahithoon.
Ururintii: Dalxa Sofe.
Xigasho: Majaladda Baahithoon.
Ururintii: Dalxa Sofe.