Thursday, July 3, 2025

Maskaxda Marka Lagaa Haysto...

In maskaxda lagaa haysto oo cid kale ku-amar-ku taaglayso (Psychological Manipulation) waa xeelado maskaxeed oo dad badan si qarsoodi ah ugu dagmaan iyaga oo ka jawaabaya dhacdooyinka maalinlaha ah ee sida xawliga ah ugu soo noqnoqonaya, inta badan dadka maskaxdooda cid kale maamushaa ma dareemaan inuu dhibane u yahay go’aano ka soo maaxanaya cid kale, isaga uu yahay qof fulinaya go’aandaasi.


Waa xirfad xeel dheer oo loo yaqaan Psychological Manipulation, banii’aadamkuna ilaa muddo fog uu adeegsan jirey, laakiinse waxa aragtidan cariyey oo mid aad loo isticmaalo ka dhigay Sigmund Freud (1856–1939) oo ahaa oday ay ku tilmaamaan reer galbeedku inuu yahay Aabaha cilmi-nafsiga casriga ah. Waxa uu sharaxay sida dareen hoosaadka dhabtaa ahi (subconscious) uu qofka u saameeyo, taas oo aasaas u noqotay fahanka in maskaxda la khiyaami karo.

Inta badan xirfadani waxa ay ku soo ururtaa inay qofka ku dhacaan waxyaabahan soo socda:

1. Gaslighting (in qofka la gaadhsiiyo inuu naftiisa ka aamin baxo):
Waxa qofka laga dhigayaa mid shakisan oo aan rumaysan karin xasuustiisa, garaadkiisa, iyo dareenkiisa, taas oo abuurta burbur ku dhaca kalsoonidiisa.

2. Love Bombing (Jacayl been ah oo xad-dhaaf ah):
Qofka waxaa laga dhigaa mid la jecel yahay oo maamulka uu la shaqeeyo ama cida kale ee danta ka leh waxay isku tusaan inay ka soo dhoweynayaan dadka kale ee aanu waxba dheereyn, taas oo gaadhsiisa inuu si baraad la’aan ah u bixiyo kalsooni iyo naf hur, ka dibna si lama filaan ah oo aanu ka soo waaqsan karin ayaa loo tuuraa.

3. Guilt-Tripping (Dareemid Dambid ah):
Qofka waxa lagu qasbaa inuu sameeyo wax xun oo dhib ku ah jiritaankiisa, isaga oo dareemaya xanuun ama dambi aan caadi ahayn oo goor dhow ka dhigi kara inuu noqdo qof nugul.

4. Hot and Cold (Qaboow ama Kulul):
Dadka inta badan adeegsada falsafadan waxa aan lagu garan waayin dhaqankooda oo ah mid aan meel keliya loogu soo hagaagin, kaas oo u dhexeeya daryeel xad-dhaaf ah oo ay dadka siiyaan iyo iska indhatirid xad-dhaaf ah oo ay qofka kula kacaan.

5. Projection (Eedeyn):
Qofku wuxuu ku eedeynayaa dadka kale wax uu isagu lahaa ama sameeyey oo dareenkiisa hoose uu yahay inuu isagu dambiga leeyahay.

6. Emotional Blackmail (Dareenka Qofka oo Baad laga Qaado):
Waa nooc ka mid ah ciqaabta maskaxda ee ay sameeyaan dadka ku caanka ah dhaqankan aan ka soo warrannay.

Waxa kaliya ee dhacdooyinkan lagaga badbaadi karaa waa qofka oo dhisa qiyamkiisa, xakameeya baahida uu u qabo dhaldhalaalka adduunka, kana duula aragti hufan oo qofnimo oo aan iyadu isbeddel lahayn dhibaato ama wanaag kasta oo uu la kulmo.

W/Q: Cabdillaahi Beershiya