Thomas Sankara waxaa loo arkaa qof dalkiisa, dadkiisa iyo guud ahaan qaaradda Afrika jeclaa, naftiisana u huray. Markii uu awoodda hayay wuxuu dalka ka beddelay magaca Upper Volta, wuxuuna ku beddelay Burkina Faso oo la macno ah "dhulka ay ku noolyihiin dadka qumman".
Sankara wuxuu xakameeyay noloshiisa, wuxuuna yareeyay mushaharkiisa iyo midkii shaqaalaha dawladda. Wuxuu mamnuucay in la isticmaalo baabuurta dawladda iyo in la raaco diyaaradaha qaybta raaxada.
Wuxuu dhul siiyay beeralaydii saboolka ahayd kuwaas oo markii danbe soo saaray dalagga daqiiqda.
Sankara wuxuu ku baaqay in Afrika ay midowdo si loo hor joogsado wax uu ku tilmaamay "guumeysiga dadban" taas oo uu ka waday hay'adaha sida IMF iyo bangiga adduunka. Wuxuu mar odhan jiray weedhii caanka ahayd "qofka ku quudiyaa waa qofka ku maamula."
Sankara wuxuu bilaabay siyaasado ka dhan ahaa galaangalka dalalka shisheeye ku hayeen dalkiisa taas oo caqabad ku noqotay awooddii Faransiiska ee gobolka. Xaaskiisa Mariam waxay ku eedaysay Faransiiska in uu ahaa maskaxdii ka danbaysay khaarajintii Sankara.
"Weli waa madaxweynahaygii, wuxuu u sameeyay bulshada ayaa dhiirigelin u ah dhallinyarada" waxa sidaas yidhi arday wax ka dhigtay jaamacadda Thomas Sankara ee ku taalla Ouagadougou mar u la hadlayay wakaaladda wararka ee BBC-da.
Waxaa caasimadda Ouagadougou, sannadkii 2019kii laga dhisay taallo lagu xusayo Thomas Sankara kadib markii cabasho laga muujiyay mid hore looga taagay dalkaas.
Waxa qoray: Dalxa Sofe