Monday, January 13, 2025

Waa Maxay Sirta Ka Dambaysa Tufaaxa Dhinaca Laga Qaniinay?


Inbadan oo iinaga mid ahi waxa ay is waydiisaa: ”tolow waa maxay sirta ka dambaysa tufaaxa dhinaca laga goostay ee calaamada u ah shirkada Apple kuna dhagsan dhamaan qalabka ay soo saarto? ”



Waa tan fikrada ka danbaysa arrintan:

Shirkaddan markeedii ugu horaysay waxa asaasay nin magiciisa layidhaahdo Steve Jobs, kaasi oo ahaa maskaxdii ka dambaysay dhammaan wax soo-saarka iyo fikirka shirkaddan, hadaba Steve jobs waxa uu u doortay in uu calaamad uga dhigo shirkadda tufaaxan hareerta laga hudhay sababahan hoos u xusan:

1- Mr: Jobs waxa uu yaraantiisi ka shaqayn jiray beer tufaaxa laga beero taasi oo raad wayn ku reebtay.

2- Bilawgiiba waxa uu go’aansaday in uu ka dhigo calaamadda shirkadda caalimkii waynaa ee Isxaaq Niyuuytan(Isaq Newton), oo hoos fadhiya geedkii tufaaxa ahaa ee uu ku ogaaday in dhulku uu magnad leeyahay kadib markay ku soo dhacday xabadda tufaaxa ahi.

3- Calaamadda ku midabaysan midabbada  jeegaanta ee uu tufaaxii ugu horeeyay ee Apple lahaa waxa uu uga jeeday awoodaha ay leeyhiin qalabka ay Apple soo saarto.

 4- Ugu dambayntiina tufaaxa waxa dhinaca uu uga qaniinay sababta ah in lagu kala saaro iyada iyo waxyaabaha kale ee ay kamid yihiin midhaha loo yaqaan Karaz-ka.

Hadaba waatan logo-da Apple ee imika

Turjumiddii: Dalxa Hassan Sofe
Hargeysa, Somaliland