Waa qormo kooban oo ka hadlaysa dhiirigelinta ay haweenku u sameeyaan raggooda wakhtiyada adag, iyo hadba sida ay ula wadaagaan dhibaatooyinka soo waajaha. Haweenaydu waa dhammaystirka ninkeeda, nin kasta oo adduunyadan wax ka noqdayna badi waxa garab taagan xaas wanaagsan.
Maahmaah soomaaliyeed ayay qayb ka mid ahi ahayd "Nin kaa gabadh wanaagsan weligaa ma gaadhid."
Nin qoraa ah ayaa soo galay maktabaddiisii wuxuu soo qabsaday qalin, waxaanu qoray ereyo xusuus qor ah oo uu wakhtiga kaga cabanayo, waxaanu yidhi: "Gu'gii tagay: waxaan galay qalliin la igaga sameeyay kaadihaysta, muddo bilo ahna waxaan iska dul aallay furaashkayga, waxaan gaadhay da'da lixdanka, shaqadaydii muhiimka ii ahayd ee aan soddonka sano wadayna waan ka tagay ... waalidkeygii wuu geeriyooday, wiilkeygii waxa uu ku guulddaraystay in uu wato waxbarashadiisa kuuliyadda caafimaadka ee jaamicadda shil baabuur oo soo gaadhay darteed" Gebo-gabadii qoraalkiisa waxa uu ku soo khatimay "Alla muxuu ahaa sannad liita".
Xaaskiisii ayaa soo gashay qolkii maktabaddiisa, way ku soo dhawaatay waxayna ku aragtay garabkiisa warqad, wayna akhriday, si degen ayay uga baxday qolkii, laakiin daqiiqado yar ka dib ayay ku soo laabatay, warqad kalena way agdhigtay tii hore, markii uu toosay ayuu arkay ninkii warqaddii kale ee ay xaaskiisu qortay wuuna akhriyay, waxaana ku qornaa:
"Gu'gii hore, waxaad ka soo kabsatay xanuun kaa soo gaadhay kaadihaysta oo aad muddo la ildarrayd, waxaad gaadhay lixdan jir adiga oo caafimaad qaba ... waxaanad usoo faromadhnaatay in aad qorto buugaag, waxaanad alliftay in kabadan hal buug, waalidkaa waxa uu nolol ku soo gaadhay xanuun la'aan 85 jir, wiilkaagii waxa uu ka badbaaday shil baabuur oo geeri u keeni karayay waanu ka soo ladnaaday" Gabadhii waxa ay qoraalkeedii ku soo gunaanaday: "Alla muxuu ahaa sannad xumaantayadii u wareejiyay wanaag."