Labada xilli ee midna tagtay midna soo socdaa, waa labada wakhti ee sababta u ah war-warka iyo murugada joogtada ah, kuwaas oo iyaguna markasta liddi ku ah xasiloonida iyo deganaanshaha haddeer.
Murugadu waa waxa tagay, war-warkuna waa wax soo socda, ogsoonow caddowgaaga farxada iyo xasiloonidu inay yihiin labadan xaladood, ee aad nafta ku mashquulisay oo aanad awood u lahayn wax ka qabashadooda.
Ma’ogtahay labadan wakhti inaad u adeegsan karto si togan ama wanaagsan, kana faa’iidaysan karto?!! HAA! Waynu ka faa’iidaysan karnaa oo waxa aynu uga faa’iidaysan karnaa sidan soo socta.
Tagta iyo Timaaddadu waxa ay kuu noqon karaan ilayska aad ku arkayso jidka aad u marayso isbedalka, aad noloshaada la maagan tahay hadda, sababtoo ah waxa aad leedahay awooda aad ku sixi karto wixii aad shalay qaladay, isla mar ahaantaana aad maanta ku qaban karto adoo ka baranaya waayo aragnimo qaladkaa hore ee dhacay.
Sidoo kale waxa aad leedahay garaadka aad ku beeri karto beer hadda si aad mustaqbalka ugurato wax soo saarkeedana aad u manaafacadsato.
Hadda waxa aynu eegidoonaa dhowr qodob oo iftiiminaya wadooyinka murugada
- Ugu horeynba is waydii su’aashan: waxa aad ka wel-welaysaa waa noocee?
Hadday cibaado yaridaada iyo maxaad rabi u caasiday tahay, waa gaar: laakiin towbad keen iyo allood u noqotaa lagu daweeyaa taas, walbahaar kaligiis ahi xal ma noqdo. Hadduu wel-welkaagu ku salaysan yahay hawlo aduun iyo hanti xoolaad waa gardarro, waayo? Ayadoo dhan ayaa imtixaan ka samaysan
- Waxyaabaha dadka walbahaarka ku aboora waxa ka mida ah, noloshiisa mustaqbalku waxa ay noqondoonto, halka uu dagidoono iyo sida uu dunida uga shaqaysandoono, taasna waxaa looga gudbi karaa in la ogaado mustaqbalka dhabta ah ee qof walba leeyahay inuu u diyaar garoobana uu u baahan yahay, inuu yahay kan aakhiro iyo xisaabteeda
- Waxa caadooyinka aadamaha ka mid ah markii dhibku ku bato ama arrini ku gurracanto inuu baroor, qaylo iyo calaacal isku daro, markiise Alle il u bixiyo oo dhibkaasi dhinac u dhaafo, wixii oo dhanna inuu hilmaamo, Allana awooddiisa iyo xukunkiisa uu ka dafiro.
- Haddii dhibaato kugu habsato noocay doonto ha’ahaatee intay doonto ha’leekaatee: samir iyo dulqaad ha iloobin, waa qayb cibaadada ka mid ah, allana waxa uu la jiraa kuwa samra, abaalkooda iyo ajarkooda xisaab la’aan ayaa faraha looga saaraa.
Xigasho: Bahda Faaido.com